Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyaha SSC oo Muqdisho kula kulmay Masuuliyiin katirsan Dowladda

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa hoyga uu ka deganyahay Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho ku qaabilay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo ugu yimid booqasho iyo salaan.

Masuuliyiinta ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin, iyo masuuliyiin kale.

Hoggaamiye Cabqdiqaadir ayaa ugu mahadceliyay masuuliyinta dawladda ee booqashada ugu yimi, isagoo ku boggaadiyey soo dhawayntii diirranayd ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka caasimadda Muqdisho ku maamuseen waftiga uu hoggaaminayay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay hoggaamiyaha maamulka SSC, waxaana la filayaa in Xamse iyo Firdhiye ay kulan gaar ah ku yeeshaan xafiiska Ra’isl Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DAAWO TOOS: Xassan Shiikh oo kulan dadweyne lagu weydiinayo Su’aalo adag

Caydiid Ali

Taliyihii Booliiska Somaliland oo Caawa geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---