Wasiiro, xildhibaanno katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyay wafdi ballaaran uu horkacayo hoggaamiyaha SSC mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay soo dhaweynta ayaa sheegay in ay wafdiga kusoo dhoweynayaan caasimadda midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho taasi oo horay taageero u muujisay deegaannadaasi, isaga oo intaa raaciyay in muddada ay joogaan kulamo kala duwan ay la yeelan doonaan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya .
Hoggaamiyaha SSC Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo dhankiisa ka fal-celiyay soo dhaweyntiisa ay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in lagu soo dhoweeyey gurigii umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.
“Waan ku faraxsanahay in gurigeenna aan nimid sidan noogula soo dhoweeyo, Muqdisho qof kasta oo Soomaali ah gurigiisii weeyaan, sida caadiga ahna qofka gurigiisa laguma soo dhoweeyo, laakin marka la soo dhoweeyo qiimo gaar ah ayay u yeelaysaa” ayuu yiri Firdhiye.
Mudane Firdhiye ayaa sidoo kale sheegay in Muqdisho u yimaadeen kadib casuumaad ay ka heleen xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ay mar walba ka go’antahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliya.
“Waxaan Muqdisho u nimid casuumaad aan ka helnay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Muqdisho waa hooyada Soomaaliya, SSC waxaa ay ka mid tahay dhulkaas ay hooyada u tahay, innaga waxaa noo qorsheysnaa haddii aan naloo yeerin in aan is keenno. Midnimada qaranka Soomaaliyeed iyo wax wada qabsiga umadda ayaan u taaganahay”.ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC.
Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo casuumada u fidiyay hoggaamiyaha SSC ayaa la filayaa in kulan la qaato ayna kawada hadlaan xaalada deegaannada maamulka SSC .