Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tababar usoo xiray dufcadii 8-aad ciidanka booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidankan madaxweynaha tababarka usoo xiray ayaa muddo bilooyin ah tababar ku qaadanayey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana ciidankan yihiin kuwa si gaar ah loo tababaray.
Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in ciidankan loo diyaariyay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxad Al Shabaab iyo sidoo kale adkeynta ammaanka deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Waxa uu madaxweynaha ku ammaanay ciidankan adkeysiga iyo dulqaadka ay sameeyeen intii ay tababarka ku jireen, waxa uuna ugu baaqay ciidankan in ay diyaar u noqdaan in dadkooda ka dulqaadaan kooxda Al Shabaab.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa marar badan tababaro usoo xiray ciidamo si gaar ah loogu diyaariyay, mana jirto ilaa hadda howlgalo muuqda ay ciidanka Koonfur Galbeed u qaadeen sidii ay deegaannadooda uga saari lahaayeen kooxda Al Shabaab.