Allbanaadir.com
NEWS

Dil dad badan ka argagaxeen oo ka dhacay xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Waxaa saakay xaafada Bangala ee katirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu arkay meydka nin oday ah oo qoorta xarig uga xiran yahay, kaa oo kasoo laad laada geed meel cidlo ah kuyaalla.

Dadka deegaanka oo tagay goobta meydka lagu arkay ayaa ciidamada booliiska ku war-galiyay dhacdadaasi, waxaana ciidamada oo goobtaasi gaaray halkaasi ka qaadeyn meydka si baaritaanno loogu sameeyo.

Ninkan meydkiisa laga helay xaafada Bangala ayaa dadka deegaanka sheegeen in subax kasta ay arki jireen isaga oo sameenaya aalmiinto ama orod, waxa ayna aad uga naxeen markii ay saakay areen isaga oo meyd ah oo geed ka laad laada.

Warar kala duwan ayaana kasoo baxaya geerida ninkan odayga ah, dadka qaar ayaana sheegaya in suurto gal tahay in ninkan isagu is dal-dalay, halka dad kalana ay tuhmayaan in ninka la dal-dalay oo geedka la geeyay.

Laamaha ammaanka gobolka Banaadir oo baaritaanno ku haya kiiskan ayaan wali wax war ah kasoo saarin, mana jiro iyana cid ay ku tuhmayaan dalkan in ay ka dambeeyeen ehelada marxuumka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Xubno la socda oo u ambo baxay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

Taliska Milatariga Soomaaliya oo ka hadlay shakiga laga muujinayo Xuska 12-ka April

Cabdi Cade

Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dagaalka Ukraine u adeegsaday hub kiimiko ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---