Haweeney u dhalatay dalka Iiraan ayaa sanadkan 2023-ka ku guuleysatay Biladda Nabadda ee Nobel Prize taasoo lagu magacaabo Narges Mohammadi, una ololeysa xuquuqda haweenka waxayna haatan ku xiran tahay xabsi ku yaala magaalada Tehran.
Guddiga ayaa sheegay in la gudoonsiiyay biladdan nabadda maadaama ay u dagaalameysay xuquuqda haweenka reer Iraan iyo halganka ay u gashay inay helaan xuquuqdooda iyo xoriyaddooda.
In ka badan 350 qof ayaa u tartameysay abaalmarintan nabadda, kuwaasoo u badan kooxaha u olololeeya xuquuqda haweenka, isbedelka cimilada iyo kuwa kale.
Narges Mohammadi ayaa Biladdaas la gudoonsiin doonaa bisha Disembar ee sanadkan sida uu sheegay Guddiga maamula biladan.
Biladda ay ku guuleysatay ayaa imaneysa iyadoo in ka badan muddo hal sano ah oo ay ka soo wareegtay dibed baxyo hareeyay dalkaas oo ay hogaaminayeen haween ka careysnaa askar boolis ah oo dilay haweeney lagu eedeeyey ineysan si hagaagsan u xiranin xijaabka