Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Putin: “Prigozhin wuxuu ku dhintay qarax ka dhex dhacay dayuuradii uu la socday”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shaaciyey in burburka diyaaradda uu ku dhintay madaxii ciidamada Wagner, Yevgeny Prigozhin uu sabab u ahaa bam gacmeed ka qarxay gudaha diyaaradda,

Waxaa uu sheegay in uusan sababta dayuuradaas ay u soo dhacday uusan aheyn gantaal lagu soo riday oo dhulka laga riday

Madaxweynaha ayaa xusay in in madaxa guddiga baaritaanka ee Ruushka ay xaqiijiyeen in raadadka walxaha qarxa laga helay meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi bishii August.

“Ma jirin wax saameyn ah oo dibadda ah oo ku yimid diyaaradda – tani mar horeba waa xaqiiqo la sameeyay,” ayuu yiri Putin, isagoo u muuqday mid qashinka ka qaadaya sheegashada saraakiisha Mareykanka oo rumeysan in diyaaradda la soo riday.

Diyaarada gaarka ah ee Embraer jet oo uu Prigozhin ku socdaalayay Saint Petersburg ayaa ku burburtay waqooyiga Moscow waxaana ku dhintay dhamaan 10-kii qof ee saarnaa 23-kii August kuwaasoo uu ku jiray madaxii ciidamada Wagner, Yevgeny Prigozhin.

 

Related posts

DF oo War yaab leh ka soo saartay shirka u furmay Madaxda Dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Senataro Mareykan ah oo ka dhuumanaya Gantaalaha Xamaas

Caydiid Ali

Abaabulka Banaan bax ka dhan ah Ra’isul Wasaare Rooble oo si xooggan u socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---