Allbanaadir.com
NEWS

Xogta kulan Mahadaay ku dhexmaray Taliyaha Ciidanka dhulka & Saraakiisa ATMIS

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya, G/sare Dayax Cabdi iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Ka Hortagga iyo Ka-jawaabida Xag-jirnimada, C/llaahi Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka ee Mahadaay (FOB) ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada  ATMIS ee ka socda Burundi.

Waxaa halkaas ku qaabilay Taliyaha Ciidan ATMIS qaybta 1-aad ee Dagaalka, G/dhexe. Ngendakuriyo Didith.

Waxay ka wadahadleen howlgallada Ciidan ee socda iyo iskaashiga Ciidanka XDS & malleeshiyada Macawiisleyda ee deegaanka si loo wiiqo awooda Al-Shabaab.

Hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada Burundi iyo Uganda iyo dhigooda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee deegaanka oo is garabsanaayo ayaa maalmo ka hor si guul ah looga saaray Al Shabaab Keymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay sheegtay ATMIS

Kadib maalmo dagaal adag oo dhulka ah oo la adeegsaday hub culus, howlgalkii Al-Shabaab looga xoreeyey keymaha Cali Fooldheere ayaa lagu tilmaamay guul la taaban karo.

Taliyaha ciidamada ATMIS, Sarreeye Guud Sam Okiding, ayaa bogaadiyay geesinimada ciidamada, isagoo xusay muhiimada istaraatiijiyadeed ee keymahan ay lahaayeen weerarada al-shabaab iyo in ay hubka ku qarsadaan, hubkaas oo ay ka mid yihiin baaburta ay u adeegsadaan qaraxyada

Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS Danjire Mohamed Souef El-Amine aya u hambalyeysay ciidamada isku dhafka ah wuxuuna ku cel celiyay in ay ATMIS ka go’an tahay fulinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya. Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hadda ku hawlan sugidda amniga dhulkan la xoreeyey iyo ciribtirka haraadiga Al Shabaab ee degaannada Waqooyi ee degmada Mahadaay, ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Related posts

Su’aalo laga keenay go’aanka lagu eryey xubnihii ka tirsanaa Guddiga xalinta Khilaafaadka

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo ciidamadiisa amar ku siiyey iney galaan Ukrine (Sawirro)

Caydiid Ali

Dal Afrika kuyaala oo Maxkamad gaar ah u sameesanaya falalka Musuq maasuqa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---