Ciyaartoyda Faransiiska ayaa laga Mamnuucay Xijaabka haddii ay rabaan inay ka qayb galaan ciyaaraha Olombikada xagaaga soo socda.
Iyadoo la raacayo shuruucda kale ee dalka u degsan ee ku saabsan cilmaaniyadda oo ay ka mid yihiin mamnuucista xirashada Cabaayada ee goobaha waxbarashada, dhammaan ka qeyb galayaasha wafdiga Faransiiska ayaa laga mamnuucay xirashada xijaabka inta lagu guda jiro ciyaaraha 2024-ka.
Dawladda Faransiisku waxay ka soo horjeedaa muujinta calaamadaha diinta inta lagu jiro dhacdooyinka isboortiga.
Wasiirka ciyaaraha Faransiiska, Amélie Oudéa-Castéra, ayaa ku dhawaaqay go’aankan sida laga soo xigtay France24.
Go’aanka, sida uu sheegay wasiirka ciyaaraha Faransiiska, macnaheedu waa “dhexdhexaadnimo buuxda oo dadweynaha ah”, inkastoo aan meel kasta laga soo dhaweyn.
Faransiiska ayaa sanadahan dambe la soo baxay siyaasad ka dhan ah muslimiinta dalkaas iyo guud ahaan diinta Islaamka, taasoo ka careysiisay muslimiin badan oo caalamka ku baahsan.