Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn rayid badan lagu laayey oo ka dhacday Kharkiv Ukraine (Daawo Sawirro)

Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay maqaahi iyo dukaan lagu iibiyo raashinka oo ku yaalla tuulo ku taalla waqooyi bari Ukraine, halkaasoo uu ku dilay ugu yaraan 51 qof, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Maqaahida iyo dukaanada la garaacay ee ku yaalla tuulada Hroza ee degmada Kupiansk ee gobolka Kharkiv ayaa waxaa gaaray burbur subaxnimadii guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in dad badan oo rayid ah ay ku sugnaayeen goobta xilligaas.

Saraakiisha ayaa soo bandhigay muuqaalka shaqaalaha samatabixinta oo oo isku dhex tuuraya burburka qiiqaya. Sawirada qaar ayaa muujinayay meydadka jiifa shamiitada iyo biro rogman, halka qaar kalena ay muujinayaan shaqaalaha gurmadka oo meydad qaadaya.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dadka ku nool tuulada ay xus ku sameynayeen maqaaxida la weeraray, ayna u fadhiyeen cunto.

“Qoys kasta, qoys walba, dad ayaa joogay xuska, tani waa masiibo aad u xun,” Klymenko ayaa u sheegay telefishanka Ukraine.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka Kharkiv tan iyo markii Ruushku uu duulaanka ku qaaday in ka badan 19 bilood ka hor sida uu sheegay, afhayeen u hadlay maamulka militariga ee gobolka.

Waxay sidoo kale u muuqatay mid ka mid ah dhimashadii ugu waynayd ee rayidka ah ee ku dhacda weerar kasta oo Ruushku sameeyo tan iyo bilowgii dagaalka.

“Argagixisadu waxay si ula kac ah u fuliyeen weerarka xilligii qadada, si loo xaqiijiyo tirada ugu badan ee khasaaraha,” ayuu yiri wasiirka difaaca Rustem Umerov.

Ruushka ayaa si joogta ah u qaadayay duqeymo dhanka cirka ah tan iyo markii uu billowday duullaankooda ballaaran bishii Febraayo 2022, Ukraine ayaa weerar rogaal celis ah ka fulisay koonfurta iyo bariga taasoo ay sheegtay inay si tartiib tartiib ah u horumareyso.

Related posts

Guddiga Hirgelinta doorashada Jubbaland oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku casumay Sarakiisha ciidanka XDS (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Somaliland oo xabsi dhigay Masuul horey uga tirsanaa maamulka Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---