Allbanaadir.com
NEWS

Qarax loo Waday Gudaha dalka Kenya oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay qarax miino oo la sheegay in loo waday Gudaha dalka Kenya, waxaana qaraxan lagu qabtay Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Wasaarada Amniga maamulka Jubbaland ayaa shaacisay howlgal ay ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ka fuliyeen duleedka Degmada Balad Xaawo in ay ku qabteen qarax loo waday dhinaca Kenya.

C/Rashiid Xasan Nuur Janan Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada maanta qabteen qarax miino uu sheegay in loo waday gudaha Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Miinada ay qabteen ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa Warbaahinta loo soo bandhigay, waxaana goobta lagu soo bandhigayay miinadan ku sugnaa Wasiirada Amniga iyo Gudaha maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin 53-sanno jir kufsi iyo afduub u geestay Gabar 11 jir ah oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade

Sheekh Shaakir oo la kulmay Taliyaha ugu sareeya Ciidamada AMISOM (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Maraakiibta waaweyn ee dalxiiska oo gaaray Magaalada Doha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---