Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo ka warbixiyey falal amni daro oo ka dhacay Muqdisho iyo dhacdooyin kale

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa Warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), Afhayeenka Ciiidamada Booliska ayaa Warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkaan, isaga oo sheegay in September 27, 2023-ka al-shabaab ay miino dheemish ah ay u dhigeen guri uu leeyahay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Kaaraan, balse aysan geysan wax khasaare ah, iyada oo markii dambe Ciidamada amniga ay ku baxeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in degmada Halwadaag gaar ahaan waaxda Carta, September 29, 2023-ka uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimashada Wiil yar, oo 7 jir ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray; Xasan Ibraahim Xuseen, isaga oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray gaariga oo ahaa nuuca dadweynaha ee loo yaqaan PL.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan darwalkii waday gaariga, isaga oo afhayeenka xusay in uu hadda xiran yahay darawalka.

30 September 2023-ka hawlgal ay iska kaashadeen qeybaha kala duwan ee Ciidamada, ayaa laga fuliyey degmada Waaberi, waxaana gacanta lagu soo dhigay 40 kartoon oo ay ku jireen dhalooyin Khamri ah iyo dadkii lahaa.

“Subaxnimadii hore ee October 1, 2023-ka waxaa Hoobiyaal lagu soo tuuray xaafadda Tarabuush ee waaxda Timacade ee degmada Wadajir, iyada oo halkaas khasaare ay ka soo gaareen lab qoys, waxaana ku dhaawacantay 4 dumar ah iyo nin oday ah” ayuu yiri afhayeenka

Waxaa uu xusay in isla maalintaas Ciidamada Booliska oo hawgal ka sameeyey degmada Wadajir ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan, eedeysane Cabdulqaadir Maxamed Afrax oo ahaa fure hayihii xabsiga Booliiska Degmada Beledweyne, kaasoo maxaabiis ka baxsatay xabsiga darteed uga soo baxsaday Magaalada Beledweyne.

3 October 2023-ka degmada Waaberi gaar ahaan laanta Horseed ayaa mid ka mid ah muruqmaal ka shaqeenayey guri dabaq ah oo dhismihiisa socday ka soo dhacay, kaas oo geeriyooday, Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay in ay kiiskaan ku wareejiyaan Maxkamadd sida uu sheegay afhayeenka.

Related posts

Taliye Asad oo amar culus siiyey Saraakiisha qeybaha Booliska (Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya: Sidee Muranku Halkaan uu Ku Gaarnay?

Cabdi Cade

Farmaajo oo guddi cusub u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---