Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Aadan Madoobe iyo danjire Ibrahim M. Yagli? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli.

Aadan Madoobe ayaa marka hore Danjiraha uga tacsiyeeyay qaraxii argagaxiso ee dhowaan ka dhacay Magaalada Ankara kaasoo uu fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen taageerada Baarlamaanka Soomaaliya, xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga.

Guddoomiyaha ayaana ammaanay doorka Dowladda Turkiga ka qaadato la dagaalanka argagaxisada caalamka, gaar ahaan taageerada ay DF ka siiso ciribtirka Al-shabaab.

Dowlada Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu weyn Soomaaliya, waxayna Muqdisho ku leedahay safaarada ugu weyn qaarada Afrika iyo saldhig milateri oo lagu tababaro qaar ka mid ah ciidamada ugu tayada fiican dowlada Somalia ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Related posts

Maxaa sababay dib u dhaca shirkii wada-tashiga DF & dowlad goboleedyada?

admin

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus u jeediyay dowlada Ciraaq shuruudna ku xiray ka bixitaanka …

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhinaca gaaska iyo saliida la saxiixatay dalka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---