Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan Qarax ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Ex-kuliyaddii Jaalle Siyaad.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray kolonyo la sheegay inay wateen Ciidamo Talyaani ah oo kasoo baxay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo aan halkaasi ka fogeyn.
Uuro iyo qaac fara badan ayaa cirka isku shareeray markii uu dhacay qaraxan oo ahaa mid xooggan oo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo goob joogayaal ay xaqiijiyeen in waxyeeladda ugu badan ay soo gaartay dad shacab ah oo halkaas ka dhowaa.
Xilliga uu Qaraxu dhacay ayaa la sheegay in Aargada ku taalla wadada laga galo degmada Dayniile ay dhoobnaayeen ardey dhigata iskuulo goobtaas ku dhow oo la soo fasaxay.
Ugu yaraan shan qof oo isugu jiray arday iyo dad shacab ah ayaa la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen qaraxan kuwaasoo loola cararay goobaha Caafimaadka, waxaana jira warar kale oo sheegaya in dhimasho ay jirto.
Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa xiray goobta uu Qaraxu ka dhacay oo sidoo kale ay buux dhaafiyeen dadweyne fara badan.
Mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Talyaaniga ayaa la xaqiijiyey inuu ku basbeelay qaraxaas, ayna jirto waxyeelo soo gaartay askartii la socotay.
Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan illaa hadda ka hadlin qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana masuuliydiisa sheegatay sida la filayey kooxda Al-Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com