Allbanaadir.com
NEWS

Eygii Madaxweyne Biden oo laga saaray Aqalka Cad kaddib dhibaatooyin uu geestay

Xarunta Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa laga saaray eygii uu lahaa madaxweyne joe Biden, kaddib markii eygaasi uu waxyeelo dhaawac ah gaarsiiyay qaar kamid ah shaqaalaha Aqalka Cad.

Eyga qoyska madaxweyne Biden ee labada jirka ah ahna nooca Jarmal Shepherd, ayaa laga saaray xarunta Aqalka Cad, waxa uuna eygan siyaabo kala duwan waxyeelo ugu geestay ilaalo iyo wakiillo katirsan adeegga sirta ee madaxweynaha.

Elizabeth Alexander, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee marwada Biden, ayaa sheegtay in eygii labo jirka laga saaray aqalka Cad, waxa ay xustay in Biden iyo xaaskiisa ay si qoto dheer u daneynayeen amniga shaqaalaha Aqalka Cad iyo kuwa amniga ee ilaaliya iyaga.

Waxa ay sheegtay afhayeenka in madaxweynaha iyo marwada koowaad ay  ka mahadcelinayaan dulqaadka iyo taageerada adeegga sirta ee Mareykanka iyo dhammaan dadka ku lugta leh, kuwaa ay xustay in ay sii wadeyn ka shaqeynta xalalka loo baahnaa.

Eyga labo sanno jirka ah ay leeyihiin qoyska madaxweyne Biden ayaa markii ugu dambeesay Sabtidii lagu arkay balakoonka guriga madaxweynaha, lamana shaacin hadda goobta rasmiga ah ee loo wareejiyay aygan dad cunka noqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Gaas oo kulan gaar ah la qaatay Andreasvon Vexkull (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin kamid ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka Somalia oo Ra’isul Wasaare noqday (Sawirro)

Cabdi Cade

Britain oo calanka hoos u dhigtay & baroordiiq 10 cisho ah oo lagu dhawaaqay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---