Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Baladweyn iyo Howlgalo socda

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan oon heybtooda la garan dileen, mid kamid ah  ganacsatada caanka ah ee ku dhaqan magaaladaasi.

Ragga hubeysan ayaa salaadii maqrib kaddib xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne ku dilay Ganacsade Xasan Daahir Cali (Naajeeriya) , waxaana ganacsadaha qeybaha sare ee jirka looga dhiftay dhowr xabadood.

Dilka kaddib ayaa la sheegay in goobta isaga baxsadeen ragii hubeysnaa ee dilka geestay, ciidamo katirsan booloiiska iyo nabad sugida ka howlgala magaalada Baladweyne ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay , kuwaa oo bilaabay howlgalo aan guuleysan.

Magaalada Baladweyne ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo lo geesto ganacsatada iyo waxgaradka magaaladaasi ku dhaqan, waxaana magaaladaasi marar badan lagu dilay dad waxgal u ahaa bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Odayaasha iyo Bulshada soo xuleysa saddex kursi oo maanta la shaaciyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Wasiir Cabdisamad Galan iyo Masuuliyiin kale oo ka bad baaday Qarax lagu dili rabay

Cabdi Cade

C/wali Gaas oo soo saaray amar ku socda Wasaarado ka tirsan Maamulkiisa (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---