Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dagaal faraha looga gubtay oo galabta ka dhacay degaanka Shabelow

Ciidamada Xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Koofurta gobolka Mudug ku sugan ayaa dagaal culus oo dhowr jaho ah ku qaaday saaka dhulka howdka ah ee degaanka Shabeellow  iyo godad la sheegay iney difaacyo ka sameysteen Al-shabaab.

War ka soo baxay taliska ciidamada xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgalkaas khasaare xoogleh lagu gaarsiiyey Al-shabaab

“Ciidamada huwanta ah oo la socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta ayaa helay xogta goob ay isku aruursaneysay kooxdu oo ay dooneysay inay ka soo abaabusho dagaal iyo qaraxyo waxaana ay iyaga oo xogtaas ka duulaya ay galabta dagaal dhowr jaho ah ku qaadeen goobtii halkaasoo khasaare xoogleh lagu gaarsiiyey cadowga’ ayaa lagiu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada ayaa intaas ku daray in Dagaalkii saaka Al-shabaab looga saaray godadkii ay gabbaadka ka dhiganaysay ee deegaankaas.

“Mar kale ayaa ciidanku galabta weerar ku qaaday habqankooda, saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaana Warbaahinta Qaranka u sheegay in cadowga cashar lama iloobaan ah loogu dhigay howdka Shabeellow” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada.

 

Related posts

Wadooyinka Muqdisho oo caawa mar kale la xiray iyo Xog ku aadan sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Faatima Cawaale Cusmaan oo shaacisay iney xilka iscasishay & Xog ku aadan sababta

Caydiid Ali

(Akhriso) Jubballand oo jawaab ka bixisay Qoraalkii ka soo baxay golaha aqalka sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---