Allbanaadir.com
NEWS

Das careysan oo dibad-bax ka dhigay Masar ka dib hadal ka soo yeeray Madaxweyne Sisi

Dibed Baxyo looga soo horjeedo hadal ka soo yeeray Madaxweyne Sisi ayaa ka dhacay qeybo dalka Masar.

Ku dhawaad ​​400 oo qof oo ku nool Masar ayaa loo xiray dhacdooyin rabshado ah” ka dib markii madaxweyne Abdul Fattah al-Sisi uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad u tartami doono doorashada, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Hadalka madaxweyne Sisi ayaa dhaliyay isu soo bax naadir ah oo ay dadweynaha ku muujinayay caradooda hadalka madaxweynaha.

Muuqaallo baraha bulshada qabsaday ayaa muujinaya mudaaharaadyo ka dhacay waqooyiga-galbeed ee magaalada Marsa Matrouh.

Muuqaalkan, ayaa waxaa la maqlayaa dad ku qeylinaya “Sisi out” oo ku baaqaya in uu burburo maamulkiisa muddada tobanka sano ah. Muuqaalo kale ayaa muujinayay isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaasha iyo booliiska.

Related posts

Mahdi Guuleed oo la kulmay Guddiga Baaraya Weerarkii Xabsiga Dhaxe (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay wararka sheegaya in ay Xiriirka u jareen Imaaraatka

Cabdi Cade

RW ku-xigeenka Somalia oo la hadlay Ardayda Soomaalida ee wax ka barata UK (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---