Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in la dilay Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo Nabadoon Biriq

Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa lagu dilay horjoogihii AL Shabaabu qaabilsanaa dabagalka ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo saddex xubnood kale oo la socday.

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Faarax Yare iyo xubnaha kale ee wehlinayay lagu beegsaday xilli ay marayeen tuulada Raydableey oo u dhaxeysa deegaannada Mubaarak iyo Ugunji.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu dilay Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq) oo ahaa oday dhaqan oo Al Shabaab u qaabilsanaa soo uruurinta lacagaha iyo dacwooyinka qabiilka, si gaar ahna ugu xil saarnaa Ceelasha Biyaha ilaa Ugunji.

Ninka odayga ah ayey dowladda sheegtay in Al Shabaab ugu abaalmarisay qori iyo gaari Toyota Probox ah, waxaana xilliga uu hawlgalku dhacayay uu halkaas u joogay in uu Al Shabaab u geeyo qori iyo boosh ay madax-furasho ahaan ugu xukumeen muwaadin Soomaaliyeed oo ay gaari xoog kaga heysteen.

Dhinaca kale, Ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka wadaan dhulka hawdka ah ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo in kabadan tobban maalmood ay ku go’doonsan yihiin maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Ka Been-sheegayo Diyaar-garowga Soomaaliya ee Xubinnimada Golaha Ammaanka!

Cabdi Cade

Saraakiil ka socotay Midowga Yurub oo Muqdisho soo gaaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Sheekh Mukhtaar Roobow oo Xabsiga laga sii deynayo iyo Qoyskiisa oo War farxad leh helay

Cabdi Cade