Allbanaadir.com
NEWS

Xubnaha Al Shabaab kasoo goosanaya iskuna soo dhiibaya ciidanka Dowladda oo kordhay

Waxaa sii kordhaya muddooyinkii lasoo dhaafay dagaallamayaasha kooxda Al Shabaab kasoo goosanaya ee isku soo dhiibaya dhinaca ciidanka dowladad Soomaaliya ee ku sugan qaar kamid ah gobolada dalka.

Ciidanka dowladda ayaa siyaabo kala duwan usoo bandhigay dagaallamayaal katirsanaa Al Shabaab ,kuwaa oo kasoo baxsaday kooxdii ay u dagaalamayeen, kaddib xaalado adag oo dhinaca nolosha ah oo lasoo darsay.

Isxaaq Aadan Shuceyb oo magaciisa afgarashada yahay (Cumraani) ayaa noqday dagaalyahankii ugu dambeeyay ee kasoo goosta Al Shabaab, waxa uuna ninkan maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee jooga deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay.

Ninkan oo tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe ayaa katirsanaa kooxda jabhadaha ah ee Al Shabaab, waxa uuna sheegay ninkan in kooxdii uu hubka u watay uga soo tagay dhibaatooyin badan uu arkay owgeyd.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ugu baaqday dagaalyahannada Al Shabaab in ay kasoo tagaan kooxdaasi, waxa ayna dowladda sameesay xarumo dhaqan-celin ah oo loogu tala galay in lagu xareeyo dagaalyahannada kasoo goosta Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo iyo Antonio Guterres oo kawada hadlay arrimo badan oo xasaasi ah oo taagan

Cabdi Cade

Bakhaaro hub ugu keedsanaa Ciidamada AMISOM oo gubtay iyo qaraxyo waa weyn oo…

Cabdi Cade

Milateri adeegsaday awood xaf dhaaf ah oo laayey ku dhowaad 120 qof

Caydiid Ali
Taboola Ads ---