Allbanaadir.com
NEWS

Lacago laga jaray Mushaarka Shaqaalaha G/Banaadir iyo Madaale oo lagu qasbay in uu…

Shaqaalaha gobolka Banaadir ayaa maalmahan wadnaha farta ku hayay , iyaga oo ka cabsanayay in gabi ahaan waayaan mushaarkooda bisha September , kaddib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir dhawwaan shaaciyay in ciidanka loo weecinayo lacagtaasi.

Mushaarka shaqaalaha gobolka Banaadir oo inta badan la bixin jiray inta aysan bisha dhammaan ayaa walaaca kusii kordhiyay shaqaalaha, waxaana mushaarka inta badan shaqaalaha uu usoo dhacay shalay galab oo Talaado aheyd.

Sida aan xogta ku helnay ayna noo xaqiijiyeen shaqaalo katirsan maamulka gobolka Banaadir lacago kala duwan ayaa laga jartay shaqaalaha dowladda hoose, lamana shaacin inta ay dhan tahay isku geynta lacagta laga jartay shaqaalaha.

Lacagaha shaqaalaha hoose ee maamulka gobolka Banaadir laga jaray ayaa u dhaxeysa 100 dollar ilaa 50 dollar, lacagahan ayaana laga jartay shaqaalaha iyada oon lagu war-galin loona sheegin in lacagtaasi laga jaranayo mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawwaan Dhuusomareeb uga yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amray in uu bixiyo lacagta mushaarka shaqaalaha uu horey u shaaciyay in bishan laga jarayo dhammaan shaqaalaha.

Dadka qaar ayaa aaminsan in lacagaha laga jaray shaqaalaha gobolka Banaadir kaliya lagu taageeray laguna garab istaagayo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ka howlagalaya deegaannada uu kasoo jeedo Yuusuf Madaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Qof iyo Cod Ma Caddayn Doontaa in Siyaasaddii “Jugjug Meeshaada Joog” ay Khaldanayd!

Cabdi Cade

Duqeyn toos ah oo lala beegsaday Isbitaalka daweynta Kansarka ee Gaza (Daawo)

Caydiid Ali

Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---