Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ismiidiimaan ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Qarax aad u weyn ayaa goor dhow abaarihii 12:00pm duhurnimo ee maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo daryankiisa laga maqlay meelo badan ayay wararka qaarkood sheegayaan in loo adeegsasaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey kaasoo lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamo Talyaani ah oo marayey isgoyska Ex-Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Wadada Warshadaha oo sidoo kale aargadada looga leexdo wadada gasha degmada Dayniile.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Talyaaniga uu ku gubtay, kuna burburay qaraxaas uu geystay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana xiran goobta iyadoo ciidamada amaanka iyo dad shacab ah ay halkaas buux dhaafiyeen.

La soco wixii soo kordha.  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Maxbuus ku jira Xabsiga dhexe oo Xog muhiim ah bixiyey & Warar kale

Caydiid Ali

Xubno Xaldoon ah oo loo kala dirayo Xarumaha maamul goboleedyada (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Dowlad Saaxiib dhaw la ah Soomaaliya oo War kasoo saartay Qaraxii lagu hoobtay ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---