Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka ATMIS oo gacan ka geestay Howlgal Al Shabaab looga saaray dhul keymo ah

Ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helayay kuwa dadka deegaanka iyo ciidamada ATMIS ayaa ku guuleestay, maalmo badan kaddib in kooxda Al Shabaab ka saaraan keymaha deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dagaalamayaal badan oo katirsan Al Shabaab ayaa keymaha deegaanka Cali Fooldheere ee ku dhaw degmada Mahadaay  saldhig ka dhigtay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay kooxdaasi ku socdo dagaal iyo duqeymo xooggan.

Howlgalka Al Shabaab looga saaray deegaanka Cali Fooldheere ayaa markii dambe waxaa kusoo biiray ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda Uganda iyo Brundi, kuwaa oo gacan weyn ka geestay sidii Al Shabaab looga saari lahaa dhulkaasi.

War kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS ayaa lagu sheegay in Al Shabaab khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay howlgalka deeaanka Cali Fooldheere, waxa ayna ATMIS sheegeen in Al Shabaab rag badan looga dilay howlgalkaasi.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Danjire Mohamed Al-emine ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS guusha ay ka gaareen  howlgala deegaanka Cali Fooldheere.

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaan qeyb ka aheyn muddooyinkii dambe howlgalada dalka looga saarayo kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada ATMIS kaliya ku sugnaayeen xeryaha ay ka degan yihiin goobaha ay joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanad buskud ugu deeqday Ciidamo dagaal kula jira Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo saldhig muhiim ah ku wareejiyey kuwa Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaale oo dhagax dhigay dhismaha laami loogu magacdaray Madaxweyne hore

Caydiid Ali
Taboola Ads ---