Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Boosaaso oo yeelatay labo maamul oo iska soo horjeeda iyo khilaaf soo shaac baxay

Waxaa soo baxay Khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan dhisida golaha degaanka degmada Boosaaso, kadib markii ay laba garab u kala baxeen xubnihii golaha degaanka ee ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday magaaladaas.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii Afar Xisbi ay ku heshiiyeen inay wada dhistaan golaha degaanka Boosaaso, si meesha looga saaro Xisbiga haysta kuraasta ugu badan ee Mideeye, taasoo abuurtay muran.

Golaha degaanka Boosaaso oo ka kooban 33 xubnood oo ka soo baxay 6 xisbi ayaa noqday laba garab oo midi uu taageersan yahay heshiiskii afarta xisbi, halka garabka kale uu raacsan yahay Mideeye.

Garabka xisbiyada heshiiyey oo uu gadaal ka riixayo maamulka Deni ayaa maanta guddoomiyaha degmada Boosaaso u dhaariyay Cabdifitaax Shanle oo ka tirsan xisbiga SINCAD, halka guddoomiye ku xigeeen ay u dhaariyeen Bashiir Siciid oo ka tirsan Mustaqbal.

Dhinaca kalena Garabka xisbiga Mideeye ayaa guddoomiyaha degmada Boosaaso u doortay Cabdiraxmaan Jinac oo ka tirsan xisbiga Mideeye, halka xigeen ay u doorteen Cumad Mursal oo ka socda xisbiga Mustaqbal.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa ka horyimid tallaabooyinkan ay ku kaceen labada garab ee golaha degaanka Boosaaso oo uu ku tilmaamay kuwa aan waafaqsanayn habraaca dhisidda golaha degaanka.

Hadalka Wasiir Juxaa waxaa ka horyimid wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha Puntland Maxamed Axmed Kulan oo taageeray maamulkuu ay dhaariyeen garabkii xukuumaddu riixaysay.

 

Related posts

Puntland oo 11-qodob oo Xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Tukaraq (Akhriso)

Cabdi Cade

Daanyeer Bas rakaab saaran yahay waday iyo Darawalkii u dhiibay oo la ganaaxay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Somalia oo goor dhow geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---