Allbanaadir.com
NEWS

Labo dhulgariir oo ku dhuftay Waqooyi galbeed dalka Nepal (Sawirro)

Labo dhulgariir ayaa ku dhuftay waqooyi-galbeed ee Nepal sida ay sheegtay xarunta la socodka dhulgariirrada.

Guryo dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa in ay waxyeelo ka soo gaartay degmada Bajhang balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmadaas.

Waddo dheer oo muhiim ah oo isku xirta degmada iyo deegaannada deriska la ah ayaa la sheegay inay go’day ka dib markii uu saameeyey dhul-gariirka.

Hal nin ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray ka dib markii ay booyad biyaha kaga soo dhacday saqafka sare ee gurigiisa, waxaana loo qaaday isbitaal si loogu daweeyo.

Guryaha ugu badan ee ku yaala dhulka buuraleyda ah  ayaa ah hal ama laba dabaq, mana jiraan dhismayaal waaweyn.

Xarunta Dabagalka Dhulgariirka Qaranka ee Nepal ayaa sheegtay in labada dhulgariir uu cabirkooda kala aha 5.3 iyo 6.3 ayna xuduntooda ahayd degmada Bajhang ee waqooyi-galbeed ee Nepal, una dhow xudduudda Hindiya. iyadoo sidoo kale Gariir laga dareemay caasimadda Hindiya ee New Delhi.

Related posts

Danjire Yusuf Cumar Al-Azhari oo geeriyooday & Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay Weerar saaka lagu dilay Masuuliyiin ka tirsan Sh/dhexe

admin

(Sawirro) Xog cusub oo laga helay sida loo dilay Ismacil Haniya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---