Wargayska Newyork Times ayaa warbixin dheer oo uu kaga hadlayo dagaalkii dhex maray General Maxamed Faarax Caydiid iyo Ciidamadii uu Maraykanku hogaaminayay 30 Sano ka hor(3 October, 1993) wuxuu ku sheegay in ay jireen digniino la iska indho-tiray.
Warbixinta Wargayska ayaa waxaa ku jira xogo sir ahaa mudadan 30ka sano ah. Warbixinta ayaa sheegaysa in madaxda ugu saraysa Ciidamada Maraykanka ay iska indha-tireen digniino iyo odoros uu soo saaray Maj. Gen. David Meade oo xukumayay ciidamadii Maraykanka ee Muqdisho ku sugnaa. Wuxuu digniinta uu soo saaray 15 September 1993 oo u diray Gen. Gordon Sullivan oo ah Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Maraykanka ku sheegay in Soomaaliya ay qarxi doonto oo dagaalkuna khasaaro badan gaysan doono. “ Ugu dambayn, magaalada waxaan ku wareejin doonaa Soomaalida” ayuu yiri.
Maj. Gen. David Meade markii uu warbixintan dirayay xitaa wuxuu baalmaray nidaamka kala saraynta ciidamada maadaama uu u arkayay arrinta mid u baahan wax ka qabasho deg-deg ah.
“Dagaal ayaa ka socda Soomaaliya,” ayuu yiri: “ Haddii dhanka xeeladaha iyo howlgalka laga eego, xaaladdu si wanaagsan uma socoto, Muqdisho annaga ayaa maamulna. Soomaaliya waxaa ka buuxda halis.”
“Dardarta iyo dhiiranaanta Maxamed Faarax Caydiid ayaa ah midda aan walaaca ugu weyn ka qabo,” ayuu raaciyay Maj. Gen. David Meade.
“Xaaladdu waxay u socotaa jiho qaldan, waxaa halis ku jira howlgalka iyo amniga ciidamada Maraynaka” ayuu yiri Maj. Gen. David Meade.
Markii uu General Maxamed Faarax dagaal kala hor yimid ciidamadii Maraykanku hogaaminayay, Madaxweyne Clinton ayaa go’aansaday in uu Soomaaliya u diro ciidamada qaaska ah ee loo yaqaano Task Force Ranger. Waxaa ciidamadan gaarka ah loo xilsaaray in ay ka taqalusaan Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidamadiisa.
Waxaa hoggaaminayay Ciidamadan Maj. Gen. Bill Garrison. Ciidamadan ayaa beegsanayay bartilmaameedyo u dhow General Caydiid iyagoo qaaday lix weerar oo ay qaar ka mid ah ku soo xireen taageeryaal Caydiid. In kastoo uusan Caydiid qaban hadana Maj. Gen. Bill Garrison wuxuu aaminsanaa inuu horumar samaynayay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in mar kasta oo maraykanku howlgal sameeyo ay sii xumaanaysay xiriirka ay la leeyihiin Soomaalida. Jawaabta ciidamada Caydiid ayaa noqonaysay mid ka dhaqso badan sidii hore iyadoo xadiga rasaasta ay ridayaana ay sii kordhaysay.
“Caydiid wuxuu awood u yeeshay in uu laba saacadood gudohood ku abaabulo ciidamo xoog leh oo dagaalami kara,” ayuu yiri General Meade. “Weerarku waa mid walwal leh ka go’naanshaha iyo dhiiranaata ciidamada Caydiid awgeed iyo sida loo qorsheeyay,” ayuu raaciyay General Meade.
“Caydiid wuxuu muujiyay in marka ay timaado dagaalka magaalada uu dhulka u hari karo,” ayuu qoray General Meade.
3 October, 1993 General Garrison wuxuu amray weerarkii 7aad. Waxay qabteen labo sarkaal oo ka tirsan taageeryaashii Caydiid.
Rasaastii Ciidamada Caydiid ayaa haleeshay 4 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah. Labo waxaa u suurgashay in ay saldhigooda ku laabtaan halka labadii kale ku dhaceen goobtii dagaalka iyadoo ka dib 18 saacadood oo dagaal ah ay gurmad ahaan ugu tageen ciidamo ka socday Pakistan iyo Malaysia si ay u badbaadiyaan ciidamada Maraykanka ee go’doomay.
Ka dib dhimashada 18 askari oo Maraykan ah, General Garrison wuu is-casilay, Madaxweyne Clintona wuxuu amray ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya. Soomaaliyana waxay halkeedii ka sii wadatay fowdadii oo ugu dambayn isku badashay argagixiso ay hadda la halgamayso.
WQ. Cabdicasiis Maxamed Diiriye.