Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) saacada soo aadan ku wajahan yahay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug.
Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa u yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saldhig ka dhigtay Dhuusomareeb, waxaana la filayaa in labada masuul kawada hadlaan arrimo badan oo muhiim ah.
Xasan Sheekh ayaa Laftagareen kala hadli doona khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan fulinta heshiiskii Baydhabo lagu gaaray iyo sidii siyaasiyiinta kasoo horjeeda ugu ogolaan lahaa in ay tagaan Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadli doona madaxweyne Laftagareen sidii loo qaban qaabin lahaa doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka maamulkaasi iyo sidoo loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.
Guddoomiyaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa cadaadis xooggan ku haya madaxweyne Laftagareen, waxa ayna siyaasiyiintan oo Dhuusomareeb iyana kula soo kulmeen madaxweyne Xasan Sheekh.