Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey ganacsade caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay dil loogu geystay nin ganacsade ah oo caan ka ahaa suuqa degmadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilkan uu ka dambeeyay markii ganacsadahan uu is’hor taagay rag hubeysan oo telefoon qaali ah ka dhacay gabar ku sugneyd suuqa Xamar Weyne oo ku qeylisay in laga caawiyo sidii telefoonkeeda kooxdan hubeysan ay uga soo ceshan laheyd.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Ayuub Axmed Daahir Tooxow oo ku jiray gudaha carwadiisa ayaa ku soo baxay qeylada gabadha isagoo isku dayey inuu burcada hubeysan uga qaado telefanka ay ka dhaceen balse rasaas ayey ku fureen taasoo keentay in isla goobtii uu ku geeriyoodo.

Kooxda dilka geystay oo watay Mooto Bajaaj ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo saraakiisha amaanka degmada Xamar-weyne ay sheegeen iney ku raad joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo goor dhow lagu dilay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Itoobiya oo go’aan cusub ka soo saartay xaaladii deg dega aheyd ee dalkaas la geliyey

Caydiid Ali

Madaxdii hore ee dalka oo la kulmay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---