Allbanaadir.com
NEWS

Koox si qarsoodi ah uga ganacsan jirtay jirka Bini’aadamka oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada booliska dalka Pakistan ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay gacanta kusoo dhigeen koox la sheegay in ay si qarsoodi ah uga ganacsan jireen jirka bini’aadamka , kuwaa oo lacag badan ka sameeyay ganacsigan sharci darrada ah.

War kasoo baxay booliiska dalka Pakistan ayaana lagu sheegay in la qabtay oo xabsi la dhigay sideed xubnood oo ka tirsan koox ka ganacsata xubnaha jirka biniadamka, kuwaa oo ka howlgali jiray waqooyiga dalka Pakistan.

Dadkan la qabtay waxaa hormuud u ahaa dhaqtar lagu magacaabo Fawad Mukhtaa, ninkan ayaana ku taqasusay qaliinadda , waxaana dhaqtarkan la sheegay in dad ka badan 300-oo qof uu ku talaalay kilyo uu dad kale kala soo baxay.

Madaxa ugu sareeya  gobolka Punjab, Mohsin Naqvi ayaa warbaahinta u sheegay in booliiska howlgal ka fuliyeen guryo kala duwan ayna soo qab qabteen dadkan lagu tuhmayo in jirka bini’aadamka ka ganacsan jireen.

Waxa uu sheegay sargaalkan in halkii kili ay kooxdan iibin jireen lacag gaareysa 35-kun oo dollar, waxaana dhaqtarka la xiray iyo kooxda la shaqeysa uu sheegay in dad u badan taajiriin ay ka iibiyeen kilyo dad kale laga soo saaray.

Dhaqtarka la xiray ayaa la sheegay in uu adeegsaday nin makaanik baabuurta ah, si uu kaaliyihiisa qaliinka u noqdo iyo in uu bukaannada u soo shukaamiyo , waxaana dhaqtarkan la xiray shan jeer, balse lagu soo daayay damiin dhowrka mar ee la xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor oo saxiixay sharciyaynta degmooyinka cusub oo Galmudug lagu soo daray

Cabdi Cade

Nin labo bil kahor xili la aasi rabay la arkay isaga oo nool oo Ugu Dambeyn geeriyooday

Cabdi Cade

Ciidanka DF oo dilay nin miino aasayey, Mid kalena qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---