Allbanaadir.com
NEWS

Duqii hore ee Muqdisho oo geeriyooday iyo madax kala duwan oo geeridiisa ka hadashay

Allaha u naxariistee waxaa saakay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday  Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa siyaasi rug caddaa ah, oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Siyaasigan geeriyooday ayaa eheladiisa sheegeen in muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa, waxaana saakay uu ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay

Cali Ugaas Cabdulle ayaa soo noqday Duqa magaalada Muqdisho sanadihii 1987-1990- xilligii  dowladdii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, waxa uu sidoo kale soo noqday Safiirka Talyaaniga u jooga Soomaaliya sannadkii 2005, xilligii dowladdii KMG.

Geerida siyaasigan waxaa siyaabo kala duwan uga tacsiyadeeyay madax kala duwan oo xilal haya iyo kuwa xilal soo qabtay, waxa ayna ku sifeeyeen in uu ahaa nin nabadoon ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed usoo adeegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Biixi oo gaaray Boorama, xarigana ka jaray Mashruuc cusub

Caydiid Ali

RW Xamse oo u Mahadceliyay Mareykanka Wadashaqeyn dhawna u ballanqaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday bartamaha Magaalada Rome

Caydiid Ali
Taboola Ads ---