Deegaanka Wara-dhuule ee hoostaga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa shalay shir ku yeeshay siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo kasoo jeeda beelaha Murusade, Xawaadle iyo Ceyr.
Shirkan ka dhacay duleedka degmada Guriceel ayaana looga dhawaaqay isbaheyso cusub ay yeeshaan saddexdaasi beelood, kuwaa oo isku kaashanaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
Waxaa shirka ka dhacay duleedka Guriceel ku sugnaa wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud, xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiintii kala duwanaa ee goobta ka hadlay ayaa sheegay in saddexda beel isku raaceen in ay fuliyaan howlgalo wadajir ah, waxa ayna ku hanjabeen in markaan kaddib u dhaqaaqayaan sidii Al Shabaab dagaal ula gali lahaayeen.
Beelaha dagaalka kula jira Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay sameesanayay isbaheysiyo, si iyaga oo wadajira duullaan ugu qaadaan deegaannada iyo degmooyinka Al Shabaab gacantooda ku jira.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com