Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka Dhulka oo abaabul Dagaal ka bilaabay deegaan katirsan Sh/Dhaxe (Sawirro)

Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka xogga dalka soomaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa gaaray deegaanka Biyo-cadde ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka iyo masuuliyiin kale ayaa taliyaha iyo xubmnaha la socday kusoo dhaweeyay deegaanka Biyo-cadde, waxa uuna taliyaha tagay xero ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin Biya-cadde.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa u tagay gobolka Shabeelaha Dhaxe abaabul howlgalo cusub oo la filayo in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ka bilaabaan deegaanno katirsan gobolkaasi oo ku jira gacanta kooxda Al Shabaab.

Deegaanka Biyo-cadde ayaa fariisin u ah ciidamo katirsan xoogga dalka, waxaana la filayaa taliyaha ciidanka dhulka in uu usii gudbo deegaanno kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas uu kasii wadi doono abaabulkiisa dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halkan ka ogow nuuca Hubka ay Soomaaliya u baahan tahay iyo halka ay ka heli karto

Cabdi Cade

Kulan Xasaasi ah oo hada ka socda Villa Soomaaliya iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

(Akhriso) Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la Magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---