Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii saaka ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in isaga iyo dadweynaha Soomaaliyeedba ay garab taagan yihiin Dawladda iyo Shacbiga Turkiga.
Waxaa uu intaas ku daray in ficilladan fulaynimada ah kaliya looga dan leeyahay in lagu wax yeeleeyo dad aan waxba galabsan, isagoo ku baaqay in wadajir loogu istaago ka hortagga argagixisada.
Qarax ayaa saaka ka dhacay meel u dhow xarunta Barlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara kaasoo ahaa “Weerar Argagixiso” oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee wadanka Turkiga.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday holac aad u xooggan ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerarku ka dhacay.