Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada amniga oo fashiliyey gaari qaraxyo laga soo buuxiyey (Sawirro)

Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegay iney fashiliyeen gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha Qarxa oo la doonayey in degmadaas weerar looga geysto.

Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi ayaa uga mahadceliyey ciidanka Amniga shaqada adag ee ay bulshada u hayaan iyo fashilinta wax uu ugu yeeray dhagarta Khawaarijta.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada ammaanka  in la joogteeyo shaqada adag isla markaana ay muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeraad ah.

Gaariga ayaa gudihiisa waxaa laga helay caagag ay ka buuxan budada qaraxyada, rasaas iyo waxyaabo kale, welina ma cadda halka loo waday gaarigan.

Related posts

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Xubno kale oo Xildhibaano loo doortay

Cabdi Cade

Dagaal culus oo degmada Diinsoor ku dhax maray Al Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya

Cabdi Cade

Dil aad looga naxay oo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---