Allbanaadir.com
NEWS

Dukumiintiyo ay leeyihiin dad Soomaali ah oo laga helay Doon ku caarisay Israa’iil

Ciidamada badda ee maamulka Israa’iil ayaa baaraya doon caag ka sameysan oo ku soo caarisay xeebbaha Israa’iil, doontan ayaana la sheegay in aysan saarneyn dad badan, balse laga helay alaabo kala duwan ay ku jiraan dukumiintiyo.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warantay in doonta soo caarisay laga helay alaab u muuqday inay lahaayeen dad muhaajiriin ah oo doontaasi ku safrayay, kuwaa oon la ogeyn nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan.

Saraakiisha ciidamada badda maamulka Israa’iil ayaa sheegay in doonta soo caarisay ay ka heleen meel ku dhaw xeebta buyaha Meditareeniyanka, gaar ahaan xeebta magaalada Netanya.

Waxa ay sheegeen saraakiisha Israa’iil in doonta laga helay alaabbo kala duwan oo ay kamid yihiin cunto , biyo la cabo iyo dukumintiyo socdaal oo ay lahaayeen qaar kamid ah dadkii doonta ku sarayay.

Dukumiintiyada safarka ah ee la helay ayaa la sheegay in saddex kamid ah ay ahaayeen kuwa ay leeyihiin dad Soomaali ah, waxa ayna booliiska Israa’iil sheegeen in ay baarayaan dukumiintiyada la helay.

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay, ayaa shaacisay in sannadkan oo kaliya badda meditareeniyanka ka gudbeen muhaajiriin gaaraya 187,000 oo qof, waxaana dhimasho loo diiwaan-geliyay  2,093 oo qof oo muhaajiriinta kamid ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir & Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaya fulinta qorshe cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Muuse Biixi oo wareegto kasoo saaray Wax ka qabashada Fal-dambiyeedka…

Cabdi Cade

Ciidamada dowladda oo weerar ku qaaday guriga Xildhibaan Xaadoole iyo dagaal socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---