Allbanaadir.com
NEWS

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Racfaan ka qaatay Xukunkii ay riday Maxkamadda G/Banaadir

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii kala duwanaa ee Khamiistii lagu riday masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal la xiriira musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in racfaan ka qaateen xukunnadii ay riday maxkamadda gobolka Banaadir, waxa ayna xeer ilaalinta sheegtay in ay dhameystirtay habraaca racfaan qaadasha.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa khamiistii xukunno xabsi kala duwan ku riday lix masuul oo lagu helay in ay galeen dambiyo kala duwan oo musuq maasuq ah, halka ay dambi ku weysay shan maxbuus kale ,kuwaa oo ay ammartay in lasii daayo.

Masuuliyiintii la amray in lasii daayo ayaa wali ku jira xabsiga, waxaana la sheegay in xafiiska xeer ilaalinta iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda aysan ku qanacsaneyn in dambi lagu waayo qaar kamid ah masuuliyiintii lasoo eedeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Eritrea oo ku laabtay Gobolka Tigrey iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay Boosaaso

Caydiid Ali

Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada yeelan lahaayeen oo baaqday & Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---