Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu dambeeyay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Ankara

Nin isku xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu abaarihii 9:30 daqiiqo ee barqanimadii maanta oo Axad ah isku qarxiyey afaafka hore ee dhismaha Taliska Guud ee amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiye ee magaalladda Ankara.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in labo askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka dalka Turkiga ku dhaawacmeen Qaraxaasi is-miidaaminta ah ee ka dhacay magaalada Ankara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Ali Yerlikaya ayaa sheegay inay labo dabley ah mas’uul ka ahaayeen qaraxaasi, iyadoo uu mid is-qarxiyey, halka mid kale ay ciiddanka ammaanka toogteen.

Dhanka kale, Qaraxaasi waxa uu ku soo beegmay saacado ka hor duritaanka kal-Fadhiga Barlamaanka dalka Turkiga ee ka furmaya magaalada Ankara.

Labada duhurnimo ayuu furmi doonaa Shirkaasi oo uu Madaxweyne ErdoÄŸan iyo dhamaan Xildhibaanada ka soo qeyb geli doonaan.

Ciiddamo badan ayaa la soo dhigay daafaha Dhismayaasha Barlamaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Si kastaba, ma kala cadda Kooxda ka dambaysay Is-Qarxintaasi, balse waxa uu falkaasi ku soo beegmay iyadoo ay Milliteriga Turkish-ka Hawlgalo ka dhan ah Kooxaha Hubeysan ee PKK iyo Daacish.

Related posts

Wasiirrada Gaashaanshigga Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Arrin muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Aktarka caanka ah ee Sanjay Dutt oo ay qabsatay dhacdo si weyn looga hadal hayo caalamka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Guddoomiyay Shir Xasaasi ah oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda

Cabdi Cade