Allbanaadir.com
NEWS

Hüseyin Ediz oo kormeer ku tagay xarunta Ciidamada Haramcad ee Farxan Qaroole (Sawirro)

Sargaal sare oo ka socday wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Turkiga oo lagu magacaabo Mr. Hüseyin Ediz Tercanoğlu, , ahna La-taliye sare ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta ciidanka Haramcad Ee Gen. Farxaan Qaroole.

Hüseyin Ediz Tercanoğlu oo horey u soo noqday madaxa tababarada ciidanka gaarka ah ee Haramcad ee Tukisom qeybteeda Soomaaliya,ayaa booqashadiisa ay dhiirrigelin u ahayd ciidanka Haramcad oo ay ka dhexeyso wada shaqayn muddo so jirtay.

Sargaalkan ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad G/Le Abdihamiid Abdullahi Faanax iyo saraakiisha kale booliiska Haramcad ee xarunta ku sugnaa, kuna ammaanay howlaha nafhuridda leh ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ujeedka booqashada sargaalkan ayaa ahayd kormeeridda iyo u kuurgalidda ciidanka Haramcad oo ay dowladda Turkigu tababarto, si gaar ahna ay ula socoto howlgalladooda, waxaana ay ku dhiirrigeliyeen dadaalladooda iyo doorka muuqda ee ay ku leeyihiin sugidda amniga caasimadda.

Ciidamada Haramcad ayaa kamid ah ciidamada sida gaarka ah dowladda Turkiga ugu tababartay Soomaaliya, waxa ayna Turkiga ciidankan siiyaan taageero, iyagoona si gaar ah ula socda ciidankan iyo kuwa kal ee milatariga ee Gorgor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo sheegay in Gebogebo marayo heshiis u dhaxeeya Xamaas iyo Israel

Cabdi Cade

Ajendaha looga hadlayo kulanka ugu horeeya ee Golaha shacabka oo la shaaciyey

Caydiid Ali

khasaaro dhimasho oo ka dhashay dibad-baxyada rabshadaha wata ee ka socda Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---