Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Maxaas oo dagaal ka dhacay iyo Dadaalo socda

Xaalada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa saakay degan, kaddib dagaal xooggan  oo shalay galab degmadaasi ku dhax maray ciidamo katirsan xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka Macawuusleyda beesha Xawaadle.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana xaalada degmada shalay galab noqotay mid  kacsan oo inta badan dadka wadnaha farta kuwada hayeen.

Sida aan wararka ku heleyno waxaa saakay degmada Maxaas ka socda dedaalo nabadeed ay wadaan siyaasiyiin , xildhibaanno , saraakiil iyo odayaasha dhaqanka, dedaaladan ayaana lagu doonayaa in xal looga gaaro shaqaaqadii shala dhacday.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali Jacfar ayaa wararku sheegayaan in ay hormuud u yihiin dedaalada socda, waxa ayna labada masuul ku guuleesteen in ciidanka lakala qaado.

Ciidanka xoogga dalka ayaana lagu amray in xeryaha lagu ogyahay aysan kasoo bixin, waxaana saakay xaalada degmada ay tahay mid degan , waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan xal rasmi ah laga gaaro waxii dhacay.

Degmada Maxaas waxaa fariisin u tahay ciidamo katirsan xoogga dalka iyo ciidamo deegaanka oo kasoo jeeda beesha Murusade, waxaa sidoo kale degmadaasi horey u joogay ciidanka deegaanka beesha Xawaadle .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Magacyada: 5 Gudoomiye Waaxeed oo dhawaan xilka laga qaaday oo ku xiran Muqdisho 

Cabdi Cade

Muxuu RW Xamse kala hadlay Fiona Lortan iyo Saraakiisha hawlgalka ATMIS? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxwene Trump oo cabasho dad badan layaabeen gudbiyay iyo Jawaab laga bixiyay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---