Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka SSC Khaatumo oo yeeshay kulan qodobo xasaasi ah looga hadlay

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo Hoggaamiye Kuxigeen, Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil ayaa shir gudoomiyey kulanka Xoghayeyaasha Golaha Fulinta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha hortabinta leh ee horyaal Golaha Fulinta iyo daadajinta nidaamka dowliga ah iyo in dhammaan deegaanada la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah.

Golaha waxa uu sidoo kale qiimeyn ku sameeyey shaqooyinkii qabsoomay toddobaadkii tegay, waxa ayna soo bandhigeen qorsheyaasha xafiis walba uu mudnaanta siinayo bilaha soo socda.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed ayaa ku bogaadiyey Xoghayeyaasha shaqada adag ee ay hayaan isaga oo faray in ay sii laba laabaan dadaalkooda.

Ugu damebyn,  Hoggaamiyahu waxa shacabka SSC-Khaatumo ku ammaanay sida ay u garab-istaageen Maamulkooda, waxa uuna markale ku celiyey sida ay lagama maarmaan u tahay in Maamulka iyo dadweynuhu isaga kaashadaan ka mira-dhalinta hiigsada iyo yoolasha dadka SSC.

Related posts

Hogaamiyaha Maamulka Taliban oo fariin cad u diray Mareykanka iyo xulufadiisa

Caydiid Ali

Cali Khamenei oo deg deg looga saaray hoygiisa, lana geeyey..

Caydiid Ali

Guddi uu madax u yahay Wasiir Xoosh oo ka shiray arrin culus oo loo xilsaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---