Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Mareykanka oo howlgal ku soo qabtay Mamduh Ibrahim Al-haji Sheikh

Ciidamada Mareykanka ayaa weerar ay ka fuliyeen waqooyiga Suuriya gacanta ku dhigay Mamduh Ibrahim al-haji Sheikh oo ah Fududeeyaha Daacish.

sida uu sheegay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka Ma jiro dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay hawlgalkan.

“Taliska USCENTCOM waxaa weli ka go’an xaqiijinta guuldarada ISIS,” ayuu yiri Lt. Col. Troy Garlock, afhayeenka Centcom oo soo saaray war loogu talo galay warbaahinta.

Mamduh Ibrahim al-haji Sheikh ayaa noqonaya xubintii labaad ee sare oo Daacish ka tirsan oo ay ciidamada Maraykanka todobaad gudihiis ku qabtaan hawlgal qorsheysan.

Taliska Ciidanka Dhexe ee Mareykanka ayaa ku guuleystay hawlgal loo adeegsaday diyaarado Helicopter ah oo ay ka fuliyeen waqooyiga Siiriya todobaad ka hor iney soo qabtaan Abu Halil al-Fad’ani oo ahaa sarkaalka howlgallada iyo fududeynta ISIS ee Suuriya.

Mareykanka ayaa horey u qaarajiyey hogaamiyeyaashii sare ee isaga dambeeyey talada kooxda Daacish ee dalalka Siiriya iyo Ciraaq howlgalo dhacay xiliyo kala duwan.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Dhigiisa dalka Eretria (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Somalia oo wafdi culus u dirtay shirweynaha Arab States-China Cooperation Forum

Caydiid Ali

Safaarada Dowlada Kenya ku laheyd Muqdisho oo dib loo furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---