Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degaano hoos yimaada Degmada Luuq ku soo qabtey Maxamed Cali Cismaan oo ka tirsanaaal-shabaab
NISA ayaa sheegtay in ninkan uu ku howlanaa dhibaateynta Shacabka deegaankaas.
Ciidamada ayaa qabtey ninkan isagoo wata mooto laba lugooleey, xili uu dadka beeraleyda ka qaadayey lacag baad ah sida ay sheegeen saraakiisha NISA.
“Dhagarqabaha ayaa kooxda uga biiray degaanka Ufurow ee gobolka Baay” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay NISA oo intaas ku dartay in ninkan la soo taago doono dhowaan maxkamad, lana marsiin doono ciqaabta uu mudan yahay.