Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay New York (Sawirro)

Xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay magaalada New York ka dib duufaano xooggan daadad waddooyinka xiray.

Nidaamyada tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada, iyo waddooyinka waaweyn ayaa daadadka gaareen, halka ugu yaraan hal terminal oo ku yaal Gegida Diyaaradaha ee La Guardia ayaa la xiray.

Ilaa 8 in (20cm) oo roob ah ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah Magaalada, waxaana la filayaa in dhowr inch oo kale jimcaha xili dambe, sida ay sheegeen waxda saadaasha.

Dadka  ayaa laga dalbaday inay qaadaan tillaabooyin ay ku ilaalinayaan ammaanka oo aysan isku dayinna inaad ku safraan waddooyinka daadku ku soo romaday .

Daadka ayaa yimid laba sano ka dib markii haraagii duufaantii Ida oo ku oo ku dhuftay Waqooyi Bari ay ku dileen ugu yaraan 13 qof magaalada New York.

Gov. Kathy Hochul iyo duqa magaalada Eric Adams ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Saf dheer oo dad ah ayaa galabtii ka dajiyay miiska tikidhada ee Grand Central Terminal, halkaas oo Mike Tags uu ka mid ahaa dadkii tareenada la joojiyay. Shaqaalaha tareenada ayaa soo jeediyay xalal suurtagal ah, laakiin wuxuu la yaabay inay shaqayn doonaan iyo in kale.

Related posts

Diyaaradda Air France oo cillad ku qabsatay hawada sare iyo Duuliyihii oo go’aan qaatay

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka shaqeenaya Fashilinta shirka Golaha Wadatashiga ee ka socda Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamo Kumandos lagu soo tababay Turkiga oo dalka ku soo laabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---