Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Siyaasiyiinta diidan Laftagareen iyo arrimaha uu kala hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur-gabeed.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Khawaarijta, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah argagixisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Cumar Filish oo kormeeray goobo iyo Jidad ku yaalla Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan baxa ay ku baaqeen Musharaxiinta iyo Cabsida lasoo daristay shacabka Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo amar ku bixisay in xabsiga la dhigo Taliyihii hore ee Sirdoonka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---