Allbanaadir.com
NEWS

Dal Soomaaliya daris la ah oo laga hirgelin doono Wershad lagu farsameeyo Gaadiidka LADA

Shirkadda Raashiyaanka ee soo saarta Gaadiidka LADA ee u Muuqaalka ekaa Gaadiidka Talyaaniga ee FIAT 124 iyo 125 ayaa qorsheynayso inay Wershad lagu farsameeyo Gaadiidka LADA CARS ka yegleelaan dalka Ethiopia, si Gaadiidkaasi loogu iib geeyo Mustaqbalka dalalka Somalia, Sudan, Kenya iyo South Sudan.

Shirkadda Avtovaz ee soo saarta Gaadiidka LADA waxay horey Heshiis la saxiixdeen mid ka mid ah Shirkaddaha Ethiopia, si Gaadiidkaasi loogu farsameeyo gudaha dalka Ethiopia.

Danjiraha Ethiopia u jooga dalka Raashiya, Ambassador Cham Ugala Uriat ayaa sheegay inuu dalkiisa noqon doono dalkii u horeeyey ee Qaarada Afrika ee laga hirgeliyo Wershad soo saarta Gaadiidka Raashiyaanka ee LADA Cars.

Si kastaba, Gaadiidka ay Shirkadaha Raashiya farsameeyaan waxay Suuq Ganacsi oo xooggan ku lahaayeen gudaha dalkeena Somalia, iyadoo inta badan Gaadiidka Shirkadda LADA Cars ay adeegsan jireen Madaxda Golayaasha Dowladii Kacaanka, gaar ahaan Xildhibaanada iyo Kaadiriinta Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ee X.H.K.S. iyo Hay’adda Sirdoonkii NSS-ta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin guursaday in ka badan 45 Haween ah walina usii ciil qaba in uu kuwa cusub guursado !

Cabdi Cade

Tartankii orodka gaaban ee Marathonka oo saaka Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Janaraal Odawaa oo kormeeray fariisimo ciidan oo kuyaala Buulo-burde (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---