Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka Laftagareen oo u dhoofay Dhoofay Dhuusomareeb iyo ujeedka safarkooda

Waxaa saakay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug u dhoofay xubno katirsan mucaaradka madaxwenaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabsicasiis Xasan Maxamed (Laftagaree).

Siyaasiyiinta hormuudka u ah mucaaradka madaxweyne Laftagareen ee u dhoofay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan, Jawaari iyo Xildhibaan Maxamed Mursal.

Sida aan xogta ku helnay siyaasiyiintan ayaa u aaday magaalada Dhuusomareeb sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo fariisin ka dhigtay caasimadda Galmudug.

Siyaasiyiinta ayaana madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlaya fulinta heshiiskii horey loogu gaaray magaalada Baydhabo oo dhigayay in muddo sannad ah loogu daro madaxweyne Laftagareen , taa oo hadda ka harsan tahay kaliya muddo labo bil ah.

Isbaheysigan cusub ee kasoo horjeeda madaxweyne Laftagareen ayaa ku hanjabay haddii xal siyaasadeed la waayo loona diido in ay diyaarado ku tagaan magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe  in ay xoog ku tagayaan magaalooyinkaasi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiiro diiday in ay ka baxaan Qasriga Boqortooyada Sacuudiga oo Xabsiga la dhigay

admin

Madaxweyne sheegay inuu ka shaqeynayo Beertiisa marka uu dhameysto muddo xileedkiisa

Caydiid Ali

Israel oo Duqeyn ku leysay Wiilal uu dhalay hogaamiyaha Xamaas Ismail haniyah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---