Maxkamadda Sare ee ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo lagu helay in ay katirsan yihiin Al Shabaab , raggan ayaana ku eedeysan dilal kala duwan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (Iidoow) ayaa racfaan ka qaatay xukun dil ah oo horey ugu riday maxkamadda darajada koobaad, waxaana labadan nin mar kale maxkamadda sare ee ciidamada ku riday xukun dil ah.
Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood) ,halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii shabakada isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.
Marxuumiinta la dilay ayaa maxkamadda ciidamada sheegtay in la beegsaday dhammaan xilli ay kasoo baxeen masaajid ay kusoo dukadeen, waxa ayna dilalkan ka dhaceen waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamadda Qalabka Sida Janaraal Liibaan Cali Yaroow ayaa shaaciyay in xukun dil ah mar kale lagu riday Aanas iyo Aadan Mursal oo ah qisaasta marxuumiintii ay horey u dileen.