Allbanaadir.com
NEWS

Xiddig sharci yaqaan ah oo xilligii loo baahnaa Soomaaliya u soo baxay

Waddamada dunida saddexaad ee soomaaliya ka midka tahay ayaa sababaha mushaakilaadka aan qoraal iyo laba lagu soo koobi karin ee ka jira  lala xiriiriyaa ku tumashada sharciga iyo ku xadgudibka xuquuqul insaanka.
Intaas oo dhan iyo ka badan ba waxaa lagu geysta magac dowladeed
Nasiib wannaag dhowr iyo tobanki bil ee dalkeena ka talineysay dowladdaan ay hoggaanka u hayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaare Xamse waxa ey dadaal xoog leh u gashay la dagaalanka musuqmaasuqa oo aafo kansar ah ku ahaa system ka dowladnimo ee dalkeenna ka jira.
Waxeey maxkamad soo taagtay eedeysanayaal lahu tuhmaayo wax is daba marin ,tan i cajab gelisey oo aan rabo inaan ka hadlo kuna amaano dowladda jirta waa fursadda ey shacabkeeda u siisey iney  si daah furnaan iyo toos ah tv ga uga daawadaan qaabka ey u dhaceysay maxkamadeynta wiilashaa iyo gabdhahaa soomaaliyeed ee tuhmanayaasha ahaa.
Si gaara waxaa ii soo jiitey qareen dhallinyaro ah oo u muddacaayay tuhmanayaasha.
Magaca uu ku caan baxey ee aan u aqaano waa abuukaate Dudaaye. Abuukaataha ayaa aqoontiisa sharciga iyo qaanuunka la sukoow eebbe ugu deeqay edeb, codkarnimo iyo dulqaad.
Soo if bixiisa ayaa iftiin ku daartey mugdigii ka jirey dhanka somali judicial system.
Waxaa soo bidhaamey rajo laga qabo in soomaaliya cagta saartey  waddo tuhmanayaashu ey si sharci ah caddaalad u heli karaan. Ha yeeshee rajadaa ayaa ku jirta laba  qaanso dhexdood with big (IF)
Waa haddii  wiilkaan iyo wiilasha la midka ah ey soomaalidu qaddariyaan specially iyaga uu ka nabad galo. (Intiina la socota dhaqanka dadka soomaalida ah lagu arkey soddonkii sanee la soo shaafey wey garatey)
Waa haddii  Abuukaate Dudaaye iyo qareenada ay isku kooxda yihiin gartaan ahmiyadda ey dalkooda iyo dadkooda u leeyihiin cagahana ku xajiyaan ku taagnaanta  waddada ay sida daacadnimada ah ugu difaacayeen xaqa iyo xuquuqda eedeysanayaasha.
Waa haddii dowladdan joogta iyo kuwa ka dambeyn doonaba ay halkaa ka sii ambaqaadaan siraadka dowladdan daahfurtey
Cabdi salaad cibaar
London UK

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciiddanka dowladda

Cabdi Cade

Doorasho natiijada kasoo baxeysa lasii qorsheeyay oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Cabdi Cade

Shir looga hadlayay bixitaanka ciidamada AMISOM oo Kampala ka dhacay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---