Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Cunaqabateyn kusoo rogay Wasiir Cali Karti iyo labo shirkadood

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Cali Karti oo soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda Suudaan iyo labo shirkadood kale oo fadhigoody yahay dalka Ruushka.

Wasiirka cunaqabateynta lagu soo rogay iyo labada shirkadood ee Ruushka fadhigoodu yahay ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin hurinta colaada ka aloosan dalka Sudan, sidoo kale wax u dhimayaan nabadda dalkaasi.

Cali Karti ayaa soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladii madaxweyne Cumar Al Bashiir, waxa uu sidoo kale soo noqday hoggaamiyaha dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan taageersan.

“Karti iyo saraakiisha taliskii hore waxay hadda caqabad ku yihiin dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin u dhexeysa ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Waaxda Maaliyadda dowladda Mareykanka.

Dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ee dalka Sudan ayaa cunaqabateynta Mareykanka kusoo rogayn hoggaamiyahooda ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog, waxa ayna meesha ka saareen eedeynta dowladda Mareykanka soo jeedisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso : War Murtiyeed kasoo baxay ururada IIDA, SWA, FEFA, BADEF iyo Haweenka gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Maxkamad amartay in lasoo xiro Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Bajaajley Banaan bax kahor dhigay xarunta CID-da iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---