Allbanaadir.com
NEWS

Dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo taageeray codsi ka yimid madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusomareeb kawada abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, ayaa ka codsaday dalalka ciidamada ATMIS ka joogaan Soomaaliya in ay dib u dhigaan la bixitaanka ciidankooda.

Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee kala ah Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixitaanka wejiga 2-aad ee ciimadama ATMIS.

Qoraal ay dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya u direen golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixitaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo dhigo muddo 90-maalmood ah.

Waddamadan ayaa sidoo kale taageeray dagaalka ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kula jiraan kooxda Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in ay taageerayaan howlgalka lagu ciribtirayo Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga in ka bixitaanka qeyb kamid ah ciidamada ATMIS in dib loo dhigo sabab uga dhigtay in ciidanka dowladda aysan diyaar u aheyn in saldhigyada qaar la wareegaan, sababo la xariira in ciidanka ku jiraan dagaallo ka dhan ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Xaliimo Cabdullaahi Fiidow booskeedana nin u magacaabay

Cabdi Cade

Iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada Garawe iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

C/wali Gaas oo sagootiyey Qunsul dhameystay muddo xileedkiisii shaqo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---