Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo shan milyan oo Dollar dul saaray Madaxa Abuukar Cali Aadan

Mareykanka ayaa shan milyan oo Dollar saaray madaxa Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka hogaamiyaha Al-shabaab, waxaana lacagtaas la siin doonaa qofkii keena xog horseedi karta in la qabto ama la dilo hogaamiyahan.

“Abuukar Cali Aadan waa ku xigeenka hogaamiyaha kooxda argagixisada al-Shabaab. Wuxuu dhowr sano ahaa taliyaha maleeyshiyada al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale horay u soo hoggaamiyey garabka hubaysan ee loo yaqaan Jabhadda ee al-Shabaab” ayaa lagui yiri qoraal ka soo baxay dowlada Mareykanka.

“Bishiii Janaayo ee 2018-kii, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u aqoonsatay Abuukar Cali Aadan shaqsi si gaar ah loogu asteeyay inuu yahay argagixiso caalami ah, iyadoo la tix raacayo amarka fulinta ee nambarkeedu yahay E.O 13224, kaas oo ku soo rogaya cuna qabateeyn adag dadka ajaaniibta ah ee geeysta ama halista ku ah in ay ku kacaan ficilo argagixisnimo taas oo halis ku ah amniga muwaadiniinta Maraykanaka, aminiga qaranka, arimaha siyaasada dibadda, ama dhaqaalaha wadanka Maraykanka” ayaa sidoo kale lagu qoraalka Dowlada Mareykanka

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in Aadan uu ku jiro liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee nambarkiisu yahay 1844 (2008) kaasoo tilmaamaya inuu ku lug leeyahay ama siiyo al-shabaab taakulo lidi ku ah nabada, amniga ama daganaanshaha Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta. Intaas waxaa dheer,

“Aadan waxaa uu xariir la leeyahay ururada al-Qaacida ee ka hawlgala Jasiiradda Carabta iyo Maqribul Islaami” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka

Related posts

(Daawo Sawirro) Somaliland oo go’aano culus soo saartay, una digtay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Deni oo daawashada ciyaar final aheyd kala qeyb galay shacabka Garowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Musharixiinta oo aqbalay qorshe cusub oo xal loogu raadinayo Khilaafka doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---